Image guidelines

Picture Requirements

Sawirada alaabta waa shayga ugu muhiimsan ee a dukaanka online. Waxay ka caawineysaa inaad usoo bandhito alaabtaada sida ugu wanaagsan.

Markasta oo tayada sawirka ay sii fiicnaato, macaamiishu waxay aqoonsan doonaan qiimaha dhabta ah ee alaabtaada,waxeyna  u badan tahay inay iibsadaan.

Shuruudaha soo socda ayaa qasab ah inaad raacdo si lagaaga aqbalo sawirada alaabtaada.

 

    • Hubi in sawirka alaabtaada uu yahay mid tayo sarreeya ah ka hor inta aadan soo gelin.
    • Resolution ka sawirka alaabta waa inuu ahaadaa 500 X 500 Mega Pixels.
    • Cabbirka ama size ka sawirka  waa inuu u dhexeeyaa 100KB iyo 1MB.
    • Waxaa qasab ah sawirada aad soo galineysid iney ahaadaan kuwa White background ah  (RGB 255,255,255).
    • Sawirka waa inuu ku jirin wax qoraal ama logo ah.
    • Sawirka waa inuu ahaada sawirka saxda ah ee alaabta.
    • Sawiradu waa inaysan ku jirin qaawanaan ama aysan noqonin kuwo galmo soo jeedinaya.
    • Hadii Sawirada ey model yihiin, Qofka model ka ah waa inuu taaganyahay ( lama ogola Jiif,Fadhi,Isqaloocis, iyo qaabab kale).
    • Sawirada Model ka kaliyah waxaa loo ogolyahay markey alaabtu tahay dhar iyo waxyaabaha dharka lagula xirto. Wixii intaas kasoo harey qof model ah looma adeegsan karo sawir ahaan.

 

Qeebta Fashion ka waxey leeyihiin  shuruudo dheeraad ah.

Dharka:

    • Qeebta dharka ugu yaraan sadax sawir ayaa lagaa rabaa ; Hal sawir oo horey ah, hal sawir oo sii jeed ah ama gadaal, iyo hal sawir oo Size chart ga ah.
    • Dhammaan sawirada dharka waa inay ahaa daan sawirro moodeel ah, Marka laga reebo dharka hoos laga xerto sida nigis yada,kastuumooyinka iyo rajabeetooyinka.
    • Dharka carruurta qasab maaha inuu model ahaado.
    • Dhamaan dharka loogu talagalay meelaha cowrada waa inaadan soo galin asigoo qof ugu jira waa inaad kaligood soo sawirtaa.

Erayga Moodeel waxaan ula jeedna in dharkaaga aad ugalisid qof model ah kuna sawirtid si dharkaaga aad ugu xayeysiisid.

 

Bags (Boorsooyinka):

    • Boorsooyinka ugu yaraan sadax sawir ayaa qasab ah ; Hal sawir oo horey ah ( Front-side ), hal sawir oo sii jeed ah ama gadaal, ( Back-side)  iyo hal sawir oo boorsada dhaxdeeda ah.

Kabaha:

    • Kabaha ugu yaraan sadax sawir ayaa qasab ah; Hal sawir oo horey ah ( Front-side ), hal sawir oo sii jeed ah ama gadaal, ( Back-side)  iyo hal sawir oo dhincyada ah.
    • Kabaha waa inuu usii jeedaa dhinaca midig sawiradooda.
    • Sawirka thumbnail ka ee Kabaha Saandalada  waa in laga swiray Kor.

Jewelry:

  • Sawirada Jewelry ga ugu yaraan labo sawir ayaa qasab ah; Hal sawir oo alaabta ah iyo hal sawir oo qof model xiran yahay ama Box ama boombilaha lagu sawiray.

 

Farqiga u dhaxeeya sawirada white background ah iyo kuwa aan aheyn:

  

Tags: No tags

Comments are closed.