-
Product Name:
Dhamaan wixii kabo iyo dhar ah ama fashion ah Waa inaad u qortaa cinwaan kooda sidaan hoose:
Magaca alaabta + Rag ama dumar + Nuuca + Midabka alaabta
Tusaale:
English: Shoulder Bag Lady Simple Style with mullticolor
Af-Somali: Boorso dumar oo garab ah – leh dhowr Midabo
NB: Somaliga sida kuula haboon ayaad u qori kartaa adigoo ilaalinaya shuruudaha.
Muhiimada ma aha sidaa aad ukala hormarineysid, Balse waa waa in Laga helaa 3 daas shey oo kala ah Faafaahinta ama magaca alaabta/ Rag iyo Dumar qofka xiranaayo/ ugu danbeyn Midabka alaabta.
Dhamaan wixii Electronics ah Waa inaad Fiirisaa inuu leeyahay Fetures kaan wax kamid ah, hadii uu leeyahay waa inaad cinwaanka kusoo dartaa:
Magaca alaabta + Model + Qaad kiisa + Magaca Brand + Midabka alaabta.
Tusaale English:
Cover Case for iPhone 13 pro Max – white Color
A f-Somali: Transcend hard disk qaadkiisa waa 2TB
Dhamaan Alaabaha Beauty ga soo hoos gala waa inaad u qortaa sidaan :
Magaca alaabta + Rag ama dumar + Nuuca + Midabka alaabta
Tusaale:
English: Lakme 9 to 5 Primer Lipstick multicolor
Af-Somali: Body scrub ka sameysan Qamadi Jirkana ka dhigaayo Nadiif
NB: Somaliga sida kuula haboon ayaad u qori kartaa adigoo ilaalinaya shuruudaha.
Muhiimada ma aha sidaa aad ukala hormarineysid, Balse waa waa in Laga helaa 3 daas shey oo kala ah Faafaahinta ama magaca alaabta/ Rag iyo Dumar qofka xiranaayo/ ugu danbeyn Midabka alaabta.
-
Product Description:
Ku Bilaaw Faah faahin alaabta oo daboolaaya dhammaan sifooyinka ugu waaweyn ee uu lee yahay Kabaha.
Faah faahinta ugu yaraan waa iney ahaataa 100 oo eray ( 100 words)
Faahfaahinta waxaad ku cadeyneysaa Faaiidada Kabaha, xiliga la isticmaalo, cida soo saaratay iyo waxyaabo badan oo markaas ku saabsan alaabta.
Markaa dhameesid Faahfaahinta Sameeso cinwaan cusub kuna qor : Specifications
Kadib Tix Listgaan Bullet ahaan sida aad hoos ka aragto, kuna buux buuxi Faahfaahinta Alaabta:
Categories ka isku mid ma ahan mid walba wuxuu leeyahay Specifications ugooni ah Hoos ayaad ka arki doontaa alaab walba iyo Specifications ka lagaa raba
For Fashion Category
-
-
- Gender:
- Main Material:
- Color:
- Brand:
-
For Electronics Category
-
-
- Brand:
- Model Name:
- Type:
- Color:
-
For Beauty Category
-
-
- Gender:
- Color:
- Skin Type:
- Organic:
- Application Area:
- Brand:
-
For Home Category
-
-
- Brand:
- Color:
- Country Made:
- Manufacturing Year:
-
Waa qasab inaad ka dhigtaan Bullet ahaan Specifications ka.
Tusaale:
-
Product Name:
Kabo buud buud oo Dumar ah – leh dhowr Midabo
-
Product Description
Waxaan kuu keenay kabo dumar oo casri ah jumlad iyo tafaariiq, Hadaba hore uso gaadh iyo qiimo ku raaligaliya
Faaidooyinka:
-
- Waa kabo fudud
- Qiima jaban
- Xaflad walba waad u qaadan kartaa
Specifications
-
-
- Gender: Men
- Main Material: Waterproof
- Color: Multicolor
- Brand: Nike
-
Faah faahino dheeri ah oo aad siin kartid si aad u hesho Kalsoonida macaamiisha waad ku qori kartaa.
-
Brand
Brand waa shirkadda soo saartay alaabta Tusaale : Puma, Nike, Adidas.
Hadii aad ka weysid database keena Brand ga alaabtaada Fadlan taabo New Brand Creation, Hadii alaabtada eysan laheyn wax barand ah Isticmaal Brand Name ka Fashion ee ku jira list geena.
-
Variations
Hadii alaabta aad soo galineysid aad ka heyso dhowr size ama dhowr Color, Si macmilka uu u kala doorto midabka uu rabo iyo size ka uu rabo Waxaad isticmaali dontaa Variations
Tusaale: Hadii Hadii aad heyso Dhor midab, Fur Button ka Colors , Kadibne Dooro inta midab ee aad heyso.
Tusaale kale: Hadii aad dhowr Size ka heyso tag qeeb ta Attributes kana dooro Size.

Waxaa kuu soo Furmi doono qaanad cusub oo aad galin karto inta Size ee aad heyso, Qaanadaas waxaa ku qoran Enter choice value
Tusaale: waxaad heysaa 2 Size 35, 36, Meesha banaan waxaad galin doontaa 35 kadib taabo comma (,) Kadib gali 36 kadib taabo comma (,) sidaas ayaad ku wadeysaa.

Waxaad isla markii hoos ku arkeysaa Sizes kii aad soo galisay oo lagaa rabo inaad sheegto inta xabo ee aad ka heyso iyo Qiimahooda midkasta.

-
Unit price
Unit price waa lacagta aad iibineysid Halkii shey.
mararka qaar markii dhowr Variation uu jiro oo kala duwan lacagahooda Tusaale: dhowr Color, Maadaama midkasta qiimahiisa aad siineysid qeebtaan Unit Price ka waxaad galineysaa Variation ka ama Color ugu lacagta badan.
-
Purchase price
Purchase price Waa qiimaha uu kuugu Fadhiyo halkii xabo.
-
Tax
Ka gudub qeebtaan.
-
Discount
Discount waa qiima dhimista aad u sameyneyso alaabtaada, Gali boqolkiiba inta aad rabtid inaad qiima dhimis u sameyso macaamiisha.
Tusaale: boqolkiiba 30 markii aan rabo waxaan Galinaayaa 30.
NB: Iska hubi inuu kuu saaranyahay Percent
-
Shipping Cost iyo Shipping cost multiply with quantity
Ka gudub Labadaas Field waxba haku qorin hana taaban.
-
Seo section
Qeebtaan waxey kaa caawineysaa hadii alaabtaada dadka qaar ey karaadiyaan Google ka iney alaabtaada usoo baxdo.
Waad ka gudbi kartaa qasab maaha.
-
Upload Thumbnail
Soo gali sawirka kor uu ka arkaayo macmiilka inta uu san ku dhufan alaabtaada.
-
Upload Product Image
Soo gali ugu yaraan 4 sawir oo alaabtaada ah.
Sawiradaan waa sawirada uu arki doono macmiilka markii uu ku dhufto alaabtaada.
Sawir aad rabtid iskama soo galin kartid waxey leedahay hab raac loo dajiyay, si aad u ogaato sawirada laguu ogol yahay iyo cabirka lagaa rabo taabo Product Image Guidelines .
Markii aad Buux buuxiso oo aad dhameyso dhamaan Taabo Submit.
Alaabta aad kusoo dartay Suuqa Dalab Online waxey mari doontaa Hubin, waxaa la hubin doonaa Intaan shey:
-
-
- Inaad soo galisay alaab la ogol yahay oo halis aheyn.
- Inaad galisay alaabtaada Categry Saxda ah ee loogu talagalay.
- Inaad raacday Habraacyada loo dajiyay Product ga oo kor lagu xusay.
-
Hadii Wax walba saxday waan soo aqbali donnaa alaabtaada maalin gudaheeda waxeyna kasoo muuqan doontaa suuqeena.
Balse hadii aad ku guul dareysato inaad kasoo bixi weydo shuruudaha ama ey wax ka qaldan yihiiin alaabtaada Waan soo diidi donnaa anaga oo kuu soo raacin doona sababaha aan u diidnay iyo waxa kaa qaldan si aad dib ugu soo saxdo.
Denied ayaad arki doontaa markii aan soo diidno alaabtaada.
Approved ayaad arki doontaa markii aan soo aqbalno alaabtaada.
